Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dadka ku dhintay fatahaada Baladweyne oo la shaaciyey (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare nafeed oo ka dhashay Wabiga Shabeelle oo maalmo ka hor ku fatahay magaalada Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa waxay sheegayaa in fatahaad webiga ay sababtay dhimashada 10 ruux oo biyuhu ay siyaabo kala duwan u qaadeen.

Cabdisalaan Faarax Maxame oo ah isu duwaha Wasaradda Gargarka maareynta iyo musiboyinka Hirshabeelle ayaa ka waramaya xaaladda guud ee magaalada gaar ahaan Khasaaraha ka dhashay fatahaada.

“Magaalada Beledweyne waxay wajahaysaa xaaladd culus oo intii aan u soo joogay aysan la kulmin, runtii Biyahaan way ka culus yihiin biyihii hore ee aan la kulmi jirnay, magaalada si siman ayey u gaareen, waxa aan ku guuleysannay ka wasaarad ahaan in aan dadka u sii digno in ay ka barakacaan,” ayuu yiri  Cabdisalaan Faarax Maxamed oo ah isu duwaha Wasaradda Gargarka maareynta iyo musiboyinka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay guud ahaan gobollada dalka ay gaarayaan 50 Ruux, sidoo kale hay’adda oo soo saartay digniino cusub ayaa xustay in todobaadka soo socda laga cabsi qabo in ay da’aan Roobab xooggan.

Related posts

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay degmada Dayniile

Caydiid Ali

Dowlada Mareykanka oo abaal marin caalami ah siisay Imaam Masjid

Cabdi Cade

Xuska 14-ka Oktoobar oo Muqdisho lagu qabtay & Madaxda DF oo ka qeyb gashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---