Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Israel oo sheegay iney heleen meydka qof ka mid ahayd dadkii la heystay

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askarteeda ay meel ku dhow Isbitaalka Al-Shifa ka heleen meydka haweeney ka mid aheyd la heystaashii Yuhuuda ahaa ee ay heysatay Xamaas.

Yehudit Weiss ayaa laga soo qafaashay halka la yiraahdo kibbutz oo ku taalla degaanka Be’eri ee gudaha Israel weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar.

Meydka ayaa laga soo saaray wax ay ciidanku ugu yeereen dhisme u dhow xarunta Caafimaadka Al-Shifa

War saxaafadeedka ayaan wax faah faahin ah ka bixin sida ay u dhimatay, mana cadda sida ay xaaladdu ahayd dhismaha markii ay ciidamadu heleen meydka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin xilliga la rumeysan yahay inay geeriyootay iyo sababta ay u dhimatay.

Golaha Qoysaska la haysto iyo Qofka la la’yahay ayaa sheegay in Yehudit Weiss ay ahayd ayeeyo 65 jir ah. Ninkeeda, Shmuel, ayaa lagu dilay weerarka Xamaas 7-dii Oktoobar.

Meydka ayaa dib loogu celiyay dhulka Israa’iil, ciidamada ayaa intaa ku daray in qoyskeeda loo sheegay geerida haweeneydan.

Maalmo ka hor ayey aaheyd markii Xamaas ay sii deysay muuqaal muujinaya meydka askariyad ka tirsaneyd ciidanka Israel oo ka mid aheyd la heystayaasha, taasoo ay sheegeen iney ku dhimatay duqeymaha Israel

Related posts

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir oo magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban

Caydiid Ali

UNICEF: Xad gudubyo ba’an oo ka dhan ah caruur & haween ayaa ka socda Gaza?

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii 5aad ee dalka

Caydiid Ali