Waxaa goor dhow soo gebagebowday Ciyaartii dhexmartay Xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Algeria taasoo ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.
Ciyaarta oo ka dhacday magaalada Algeirs ayaa bilaabatay 7:00 fiidnimo xiliga geeska Afrika Waxayna ka dhacday Garoonka Mandella Stadium oo qaada taageerayaal 40 kun ka badan.
Xiligii 90ka daqiiqo ahaa ee loogu talo galay ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday xulka Algeria.
Inkastoo Xulka Somalia ay dedaaleen haddana guul darada sopo gaartay waxaa loo aaneynayaa daldaloolo ka jiray dhinaca difaaca iyo isku xirka ciyaartoyda, iyadoo dad badan ay saadaalinayeen in Xulka Somalia loga badin doono darsan goolal ah maadaama xulka Algeria uu yahay xil awood badan.
Taariikhda Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmi aha ku kulmaan labada xul, dhinaca kale Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.
Algeria waxay koobka Adduunka ka qeyb gashay 4 jeer, waxeyna raadinaysaa Inay markeedii 5-aad iska xaadiriyaan koobka aduunka ee 2026.
Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd, sanadkii 2019 xilligaasoo Xulkeenu 1-0 kaga adkaatay Xulka dalka Zimbabwe.
Marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda cagta, xulka Algeria waxay Qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 33-aad Halka Somaliya ay ku jirto booska 196-aad, waxaana u dhexeeya farqi aad u weyn.
Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga soo xulay gudaha iyo dibadda Wuxuu ku jiraa Group-G waxaana ku wehliya Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA