Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo kulan deg deg ah isugu yeeray taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay al-shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Related posts

Taliyaashii milatariga iyo Booliiska Somaliland oo xilka laga qaaday iyo kuwa …

Cabdi Cade

Shirkada DP World oo xaalad adag lasoo daristay iyo Jabuuti oo sabab u noqotay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa la kulmay Mohammed Ahmed Othman (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---