Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto Koofi, Cabdul & Saabey

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

Sidoo kale Waxa Eedaysanayaasha ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha isagoo ku Eedaysan ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis Dowladdeed,

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar iyo Eeddaymo kale oo uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa Eedaysanayaasha Maxkamadda dacwadooda la hor keenay waxa ka mid ah Cusmaan Xasan Cosoble, Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus Saabey oo ku Eedaysan lunsasho hanti Maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

Dhamaan eedeysanayaasha ahaa ah kuwo maqan oo aan maxkamada soo xaadirin, waxayna horey uga baxsadeen dalka.

Qareenada u doodayey ragga la soo eedeeyey ayaa is hortaag ku sameeyey dacwada lagu soo eedeeyey Maxed Aadan Koofi, iyagoo sheegay ineysan Maxkamada G/banaadir aysan qaadi karin dacwadiisa, maadaama uu yahay Sarkaal ciidana ay tahay in dacwadiisa ay qaado maxkamada ciidamada.

“Eedeysane Koofi waa gaashaanle sare oo katirsan Nabad-sugida maxkamadda G/Banaadirna awood uma lahan inay qaaddo dacwadaan maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa xaq u leh iny dacwadiisa gasho” ayuu yiri Abuukaate Sakariye

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ka hor yimid arrintaas, “Eedeysanaha ma NISA ayuu ka shaqeynayey mise shaqo ciidan buu hayey, Hay’ad Madani ah buu ka shaqeynayey, Maxkamadda G/Banaadir xaq sharci ah ayey u leedahay inay gasho dacwaddiisa” ayuu yiri Farxaan oo ah Xeer ilaaliye ku xigeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talaabadii lagu riday Xukuumadii Khayre oo lagu tilmamay afgembi aan dhiig ku daadan

Cabdi Cade

James Swan & Axmed Madoobe oo ka wada hadahadlay Saddex qodob (Sawirro)

Caydiid Ali

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo mar kale isku dilay xarunta Xalane

Caydiid Ali