Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

Xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa caawa ciyaari doona kulan ka tirsan isreeb-reebka  koobka Adduunka 2026  qeybta Qaaradda Afrika.

Ciyaarta Waxay bilaaban doontaa 7:00 PM, Waxaana lagu ciyaari doonaa  Garoonka  Mandella Stadium oo qaada 40,784 taageere.

Taariikhda Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmiya ku kulmayaan labada xul, dhinaca kale Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Algeria waxay koobka Adduunka ka qeyb gashay 4 jeer, waxeyna raadinaysaa Inay markeedii 5-aad iska xaadiriyaan koobka aduunka ee 2026.

Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd, sanadkii 2019 xilligaasoo Xulkeenu 1-0 kaga adkaatay Xulka dalka Zimbabwe.

Marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda cagta, xulka Algeria waxay Qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 33-aad Halka Somaliya ay ku jirto booska 196-aad.

Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga  soo xulay gudaha iyo dibadda Wuxuu ku jiraa Group-G waxaana ku wehliya  Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana

Hadaba natiijo noocee ah ayaa  laga filan karaa Wiilsha xulka Soomaaliya ee Ocean Stars?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdiga Somalia ku metelaya dacwada Badda oo la kulmay Mr. Philippe Gautier

Caydiid Ali

Askari Soomaali Mareykan ah oo Dambi dil ah lagu helay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ahlusunna oo ka hadashay dagaalka ay ku soo qaadeen Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---