Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Kenya oo go’aan ka gaaray in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Haiti

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay in ciidamo booliis nabbad ilaalin ah loo diro dalka Haiti, oo ay dhibaato badan ku hayaan burcad hubeysan iyo kooxo dambiilayaal abaabulan ah.

Xildhibaannada ayaana codkooda ku taageeray in 1,000 askari oo nabbad ilaalin ah loo diro dalka Haniti, si ay gacan weyn uga geestaan daminta rabshdaha abaabulan ee ka jira dalkaasi gaar ahaan caasimadda.

Qaar kamid ah xildhibaannada taageersan mooshinkan maanta la meel mariyay ayaa  sheegay in dalka uu ka mid yahay beesha caalamka, isla markaana aan la iska indha tiri karin marka dalalka kale ay u baahan yihiin.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada kasoo horjeeda in Kenya ciidamo u dirto dalka Haiti ayaa ku dooday in dalka uu wajahayo caqabado dhanka ammaanka ah, isla markaana uusan awoodin inuu u diro ciidankiisa.

Dowladda Kenya ayaa horey ciidamo nabbad ilaalin ah ugu dirtay dalal ay ku jiraan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Sierra Leone, waxa ayna ciidanka Haiti loo dirayo noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee meel fog Kenya u dirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Puntland PMPF oo tababar loo soo xiray

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Caydiid Ali

Amiirka dalka Qatar warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Doodishe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---