Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera, ayaa ku dhawaaqay go’aan adag oo safarada dibadda ah looga mamnuucayo madaxda dalkaasi uu isagu ugu horeeyo, xilli dhaqaale la’aan daran uu dalkaasi wajahayo.
Waxa uu sheegay madaxweynaha in uu si deg deg ah u joojiyay safardii dibadda ee u qorsheesnaa in uu u baxo, waxa uuna amray safarada aan muhiimka ah aheyn in aysan u bixi karin wasiirrada iyo madaxda kale ee dalka.
Madaxweynaha dalka Malawi ayaa sidoo kale ku amray wasiirrada xukuumaddiisa katirsan ee hadda dalka dibadiisa ku maqan in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan, si loo bad baadiyo qarashaad badan oo safaradda dibadda ku baxaya.
Chakwera ayaa cadeeyay in tillaabooyinka safarada dibadda lagu joojiyay ay sii jiri doonaan illaa dhammaadka sannad maaliyadeedka ee Maarso 2024, waxa uuna xusay in safarada badan ee dibadda ku baxaan dhaqaale badan oo dadku u baahan yihiin.
Dowladda Malawi ayaa lacag badan oo deyn ah ka heshay sanduuqa lacagta adduunka (IMF) si kor loogu qaado dhaqaalaheeda liita, waxa ayna dowladda dooneysaa in lacagtaasi looga faa’iideeyo dalka sarana loogu qaado dhaqaalaha dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com