Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Hoggaanka xisbiyada Waddani iyo Kulmiye

Madaxweynaha Somaliland, mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Murashax  madaxweyne ahna guddoomiyaha xisbiyadda Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Kulanka waxaa la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda Somaliland, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca Somaliland, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka maamulka Somaliland.

Waxa sidoo kale kulanka looga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh deegaannada Somaliland, waxaana la isla qaatay in Komishanka doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.

Madaxtooyada Somaliland oo war kasoo saartay kulankan ayaa sheegtay in kulankan madaxweynaha la qaatay hoggaanka labada xisbi  uu ku soo dhamaaday is afgarad buuxa iyo wada jirka danaha qaranka in laga shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni, ururada siyaasada & Guddiga Doorashada Puntland oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali

Kulan looga hadlayo Qodob culus oo la iskugu yeeray Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Fool ka fool ah oo dhax maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Cabdi Cade
Taboola Ads ---