Allbanaadir.com
NEWS

Tirada ciidamada milatariga Israel looga dilay Dagaalka Xamaas oo la shaaciyay

Ciidamada milatariga Isreal ayaa la kulmay mid kamid ah dagaalladii ugu adkaa ay la galeen kooxda Xamaas , waxaana dagaalka ilaa hadda socda Israel looga dilay askar badan oo ku jiraan kuwa gudaha u galay Xamaas.

Israel ayaa duullaan cir ,dhul iyo badba ku qaaday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada Isreal duullaankaasi kala kulmeen iska caabin xooggan oo kasoo gaartay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Milatraiga Israel ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan kooxda gobannimo doonka ah ee Xamaas looga dilay 50-askari ,halka tiro intaa ka badana looga dhaawacay, waxaana askartaasi la dilay u dambeesay labo askari oo Gaza lagu dhax dilay.

Kooxda Xamaas ayaa weerarkii ay ku qaaday dhulka Israel maamusho 7-dii bishii October ee sannadkan ku dishay in ka badan 1200-qof, halka ay ku qafaasheen boqolaal qof oo kale, waxaana dadkaasi la dilay ku jira saraakiil iyo askar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay weerar ka dhacay Deegaanka Buulo Fuulay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow Magacaabay Ra’isul Wasaare cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---