Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey

Iyadoo Golaha ammaanka ee Qaramada Midooeby ay meel mariyeen qaraar la xiriira heshiis bini,aadatinimo si dadka Qasa gargaar loo gaarsiiyo ayaa durba waxaa muuqata in Israa’iil ay arrintaa ka hor timid.

Waxaa u codeeyay 12 xubnood oo golaha ka mid ah, waxaana ka aamusay Maraykanka, UK iyo Ruushka.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa sheegay in qaraarku “uu yahay mid xaqiiqada ka fog oo aan macno lahayn”.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, waxa uuna dhaleeceeyay mooshinkan ka dhanka ah in aan lagu xusin weerarkii Xamaas ay Israa’iil ku qaadday 7-dii Okoobar.

Dhankeeda danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in dhowr xubnood oo golaha ka tirsan aysan weli cambaareyn weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Related posts

Xubin ka tirsan Guddigii qabanqaabada Xil-Wareejinta Guddoomiyaha G/Banaadir oo la xiray

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo saxiixay Sharciga Hanti-dhowrka Qaranka

Caydiid Ali

Deni oo xariga ka jaray garoonka K/Cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---