Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday ninkii dilay C/llaahi Cali Hudey

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay C/salaan Axmed Cali, kadib markii ay ku cadaatay inuu si ula kac ah u dilay Marxuum C/llaahi Cali Hudey Taariikhdu markey ahayd 10kii Bishan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadda Amniga Galmudug ayaa Gacanta ku soo dhigay ninkan maalmo ka hor isagoo xaalad baxsad ah ku jira

Ninkan dilay Allaha  u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey oo ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa  degmada Guriceel.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel.

Waxaa laga soo qabtay Degaanka Baag oo ku dhow Degaanka kale ee Bali-hod halkaasoo uu u baxsaday.

Related posts

Dowladda oo hawada ka celisay Diyaarad kasoo duushay Imaaraadka oo Hargeysa kusii jeeday

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Caawa Warbixim siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---