Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku galay Isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa, kadib markii ay Xamaas ku eedeeyeen inay ka shaqaynayeen godad dhulka hoostiisa mara oo ay ku keydsadaan hubka taasoo ay beeniyeen kooxda Xamaas iyo saraakiisha isbitaalka.
Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa la rumeysan yahay inay gabaad ka dhiganayaan gudaha iyo hareeraha isbitaalka, taasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay noqotay xudunta dagaalka aaggaas, oo ay ku xayiran yihiin bukaanno nugul, shaqaale iyo Falastiiniyiin barakacayaal ah oo ay ka dhammaadeen sahayda caafimaad iyo shidaalka.
Dhismaha ugu weyn ee Isbitaalka ayaa joojiyay shaqadiisa, iyadoo dhakhaatiirtu ay ku shaqaynayaan shumaca ay ku duubaan dhallaanka dhiciska ah si ay u sii noolaadaan – iyadoo qaar ka mid ah ay ka digayaan in xaaladda bukaanada ay noqotay “masiibo”
Falastiiniyiintu waxay u haystaan dagaalka ka socda agagaarka Al-Shifa mid argagax gelin ah oo caddaynaysa in Israa’iil ay iska indho tirayso nolosha rayidka ah Gaza, halka Israa’iilna ay isbitaalka ku tilmaantay in Xamaas ay u adeegsato gaashaan bani’aadamnimo.
Laakiin go’aanka ciidamada Israa’iil ay ku galeen cisbitaalka ayaa calaamad u ah xaalada sii xumaan karta colaadda oo bilaabatay 7-dii Oktoobar, markaasoo dagaalyahannada Xamaas ay galeen Israa’iil, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 1,400 oo qof ayna qafaasheen in ka badan 200 oo kale – waa weerarkii ugu weynaa ee Israa’iil lagu qaado tan iyo markii aasaaskii dalka 1948kii.
In ka badan 11,000 oo qof ayaa tan iyo markaas lagu dilay duqaymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ay ku hayso Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Ramallah, oo tirokoobyo ka soo saartay dhulka ay Xamaas maamusho.
Subaxnimadii saaka wakhtiga maxaliga ah, ciidamada difaaca Israel ayaa sheegay inay fulinayeen hawlgal lala beegsaday Xamaas meel cayiman oo ku taal Isbitaalka Shifa ee Gaza.
Khaled Abu Samra, oo ah dhakhtar ka tirsan Isbitaalka, ayaa CNN u sheegay in la siiyay digniin 30 daqiiqo ka hor inta aanu hawlgalka Israel ka bilaabin dhismahan subaxnimadii Arbacada.
“Waxaa nala weydiistay inaan ka fogaanno daaqadaha iyo balakoonada. Waxaan maqalnaa baabuurta gaashaaman, waxay aad ugu dhow yihiin albaabka xarunta,” ayuu yiri.
Khader Al Za’anoun, oo ah saxafi ku sugan gudaha cisbitaalka, ayaa sheegay subaxnimadii saaka taangiyada Israel iyo baabuurta dagaalka inay ku sugan yihiin barxadda isbitaalka. Waxa uu intaa ku daray in askarta Israa’iil ay ku jiraan dhismayaasha iyo waaxyaha isbitaalka ayna fulinayaan hawlgallo baaritaan iyo su’aalo weydiin ay la sameynayaan ragga dhallinyarada ah iyagoo buu yiri rasaas xooggan ka ridaya gudaha isbitaalka,” waxayna isticmaaleen gacma-gashi si ay ragga dhallinyarada ah ee isbitaalka ku jira u weydiiyaan inay gacmaha kor u qaadaan oo ay isa soo dhiibaan.
Weli ma jiraan calaamado muujinaya sheegashada Israel ee ah in Xamaas ay ka shaqeyneyso isbitaalka.
Afhayeenka ciidamada Israel Peter Lerner ayaa sheegay inay ku wargeliyeen Maamulka isbitaalka, bukaannada iyo dadka rayidka ah ee ku jira gudaha inay is-qaboojiyaan “sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan sameyno howlgalkeenna militari si aan u kala saarno rayidka iyo argagixisada.” ayuu yiri
Israa’iil ayaa marar badan sheegtay in Xamaas ay dhismaha Isbitaalka u isticmaalayso arrimo ciidan. afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa ku eedeeyay Xamaas inay halkaas ka hagayeen weerarrada gantaallada ayna godad ku leeyihiin dhismaha cisbitaalka hoostiisa.
Hagari ayaa wakhtigaas bixiyay caddayn uu ku sheegay iney tahay taleefoon dhexmaray laba reer Gaza ah oo ka wada hadlayay joogitaanka xarunta dhexe ee Xamaas ee isbitaalka Al-Shifa. hase ahaatee si madax banaan looma xaqiijin karto xaqiiqada duubista hadalkaas.
Isbitaalada kale, ee ku yaala Gaza ayuu sidoo kale Hagari ku eedeeyey inay Xamaas u adeegsato howlgaladeeda milateri iyo iney gabaad ka dhigato.
Israa’iil waxay Isniintii ku casuuntay warbaahinta wararka inay booqato Isbitaalka carruurta Al-Rantisi ee magaalada Gaza, halkaasoo ay ku sheegtay qaybta hoose inay ahayd xarunta taliska Xamaas.
Xamaas, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale si adag u beeniyay sheegashada Israel ee ku saabsan Al-Shifa iyo Isbitaalada kale waxayna dhaleeceeyeen weerarkii saaka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Gaza, Dr. Medhat Abbas, ayaa sheegay in isbitaallada Gaza “loo isticmaalo in lagu daweeyo bukaannada oo keliya” oo aan loo isticmaalin arrimo milateri.
Sidoo kale, Heyadaha caalamiga ah ee ka howlgala Isbitaaladaas sida MSF, UNRWA, ICRC iyo kuwo kale ayaa sheegay ineysan heynin calaamado muujinaya in Isbitaalada Gaza loo adeegsado arrimo ka baxsan Caafimaadka.
Ka dib markii weerarka Al-Shifa uu bilaabmay, Wasiirka Caafimaadka Maamulka Falastiin Dr. Mai Al-Kaila ayaa sheegay inay talaabadani tahay dambi cusub oo ka dhan ah bini’aadantinimada, Shaqaalaha caafimaadka, iyo bukaanada,” wuxuuna ka digay inay “cawaaqib xun” ku yeelan karto bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka.
Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku eedaysay Israa’iil iyo Maraykanka labadaba weerarka Isbitaalka, iyagoo sheegay in Maraykanka uu Israaiil uu gacan ku siinayo xasuuqa ka dhan ah rayidka, iyagoo adeegsanaya hadalada marin habaabinta ah ee Israel.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Qaramada Midoobay inay ku guuldareysatay inay difaacdo Falastiiniyiinta.
Xarunta caafimaadka ee Al-Shifa, oo ku taal galbeedka magaalada Gaza, ayaa la dhisay 1946-kii markii Gaza ay weli ku hoos jirtay gumeysigii Ingiriiska. Muddo dheer ayaa loo arkayay inay laf dhabar u tahay adeegyada caafimaadka ee guud ahaan marinka Gaza ee go’doonsan, waxaana lagu garaacay madaafiic dagaalladii hore ee Xamaas iyo Israa’iil.
Horraantii dagaalkii ugu horreeyay ee Israa’iil ay la gashay Xamaas sannadihii 2008-2009 –markii ay kooxdaas la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Gaza Israa’iil waxay ku andacoonaysay in dagaalyahannada Xamaas ay gabaad ka dhigtaan masaajidda, isbitaallada iyo meelaha kale ee rayidka ah si ay uga fogaadaan weerarrada Israa’iil.