Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Prof. Saciid Ciise: “Madaxweyne Galbataye ILAAHAY garabkaaga ha galo”

Madaxweynuhu waa adeegaha wanaaga guud ee maslaxada ummadda, waxeyna xil-gudashadiisu ay fareysaaa waajib ahaan inuu dhageysto ra’yiga dadweynaha iyo dareenkooda xambaarsan cabashooyinka iyo kuwa cabiraya eedaha ay u soo jeedinayaan xukuumadiisa, wuxuuna yahay hogaamiyaha ugu sareeya ee ku shaqeynaya dareenka cabiraya rabitaanka shacabkiisa oo uu si toosa ugala dhexeeyo isla xisaabtan salka ku haya go’aan ka garida ku dhisan isku dheelitirnaanta xasiloonida lagu gaarayo niyadsamida shacabka ee maslaxadaha siyaasadaha arrimaha gudaha iyo danaha caalamka dalka uga xiran ee diblomaasiyadda siyaasdaha arrimaha dibeda, waxeyna madaxweynaha awoodiisu ay ka turjumeysaa qiyas ahaan inta ay la eg tahay kalsoonida ay shacabkiisu ku qabaan, taas oo ka dhigeysa in aqlabiyada codkooda shacabka uu yahay awooda keliya ee madaxweynaha ku haysa inuu ku fadhiyo kursiga hogaamintooda.

Waxaa jira balanqaadyo u dhexeeya madaxweynaha iyo shacabka oo fulinta masuuliyadeeda ay u gaar tahay madaxweynaha, waxeyna taasi ay tahay qorshaha siyaasadeed ee madaxweynuhu uu shacabka u soo bandhigo xiliga ololaha doorashadiisa, kuwaaas oo wax ka qabadkooda ay isaga keliya ay u madlan yihiin, waxeyna balanqaadyada siyaasadeed ee ololaha doorashada madaxweynaha ay ku kala aroorayaan istratejiyooyinka loogu kala dejiyey kuwo quseeya qorshaha waxqabadka siyaasadaha arrimaha gudaha iyo kuwa kale ee quseeya siyaasdaha diblomaasiyadda arrimaha dibedda, waxaana istratejiyooyinkodda qorshooyinkaas waxqabadkooda lagu dejiyaa boqolka maalmood ee ugu horeeya kadib marka madaxweynuhu uu si rasmiya xilka ula wareego, kuwaas oo ay ka soo shaqeeyaan hawlwadeeno uu madaxweynuhu u soo xushay sal u dhigida maamulkiisa xiliga kala guurka oo ah marka ay madaxdii maamulka hore meesha laga saarayo, haddana aan weli si rasmiya aan loo soo magacaaabin hawlwadeenada maamulka cusub ka hawlgelaya.

Wasiiradu waa adeegeyaasha madaxweynaha oo awoodiisa ergeda ugu tahay hogaaminta shaqaalaha rayidka dowladda iyo raaligelinta kalsoonida shacabka, wuxuuna madaxweynuhu uu soo xulanayaa wasiiradiisa iyo lataliyeyaashiisa, iyo hawlwadeenada kale oo siyaasad ahaan xilalka dowladda ku haya, kuwaas oo lagu qiyaasi karo ilaa iyo saddex kun oo isugu jira diblomaasiyiin iyo madaxda hayadaha dowladda madaxabanaan, kuwaas oo aan si toosa u hoos imaan maamulka wasaaradaha, waxeyna jagooyinkaas yihiin kuwa siyaasadeed oo la dhaca maamulka madaxweynaha talada haya, kuwooda cusubna ay la yimaadaan maamulka cusub ee madaxweynaha, wuxuuna madaxweynuhu dhamaan xilalkaas uu ku soo dooranayaa sida rabitaankiisa shaqsiyadeed u rabo, waxeyna xilalkaas dhamaantood ay u adeegayaan sida ay madaxweynaha ugu qancin lahayeen rabitaankiisa iyo ka raali ahaanshihiisa, waxeyna adeecidaas ay ku imaaneysa oo keliya u adeegidda maslaxada qaranka, waxeyna baalmaraysaa u adeegida danaha gaar ahaneed ee madaxweynaha.

Madaxda dowladda wuxuu madaxweynuhu u soo magacawday oo keliya iney ku shaqeeyaan meelmarinta qorshaha siyaasadeed ee mudo xileedka madaxweynaha uga degsan waxka qabashadooda, waxeyna madaxdaas ay la kala imaanayaan istratejiyadooyinka ugu maxquulsan ee qorshooyinkaas looga dhex fulinayo hayadaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo salka ku haya danaha ay ka leedahay ajendeyaasheeda siyaasadeed iyo kuweeda sharcidejineed ee maamulka xukuumada madaxweynaha uga degsan meelmarintooda, waxey kaloo hawlwadeenadaas ay madaxweynaha u yihiin lataliyeyaashiisa uga wakiilka ah hayadaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo adeegyada ugu muhiimsan ay yihiin in hayadaha ay maamulayaan ay madaxweynaha ugu sameeyaan weji wanaagsan oo abuura kalsooni xooggan oo kala dhexeeysa shacabka.

Kalsoonida shacabka waxey ku timaadaa marka ay dadweynuhu dareemaan in adeegyada ay bixiyaan hayadaha dowladdu yihiin kuwo ay iska leeyihiin dadku oo adeegyada ay uga baahan yihiin ay su fudud ku helaan, waxeyna taasi ay imaan kartaa marka madaxda hayadaha ay curiyaan saraakiil ah shaqaale rayida oo aqoon lagu soo xulay, kuwaas oo saldhig xooggan uga dhigaya qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha dhamaan waxqabadka aasaasiga ah ee hayadahooda ay bixiyaan, iyo dibuhabeynata qaabdhismeedka haydaha oo lagu jaanqoynayo istratejiyadaha lagu meel marinayo axdiga madaxweynaha uu dadkiisa u qaaday, iyo hawlgelinta adeegyada hayadaha oo si ku dhisan cilmibaaris aqooneed dadweynaha loogu fidinayo baahiyaha ay u qabaan adeegyada aasaasiga ah ee ay bixiso hayadaha dowladda.

Madaxda sare ee hayadaha dowladda waxaa looga baahan yahay iney saldhig adag ee dowladnimo ay si rasmiya ugu adkeeyaan dhismaha kaabeyaasha aasaaska u ah jiritaanka hayadaha dowladda oo awood u leh iney shaqeyn karaan marka ay timaado firaaqo siyaasadeed ee madaxweyne ama wasiir ama xukuumadda oo dhacada, kuwaas oo loo baahan yahay iney adkeysi ku sii wadi karaan hawlahooda kadib marka ay meesha ka baxaan xilalkii ku yimid hanaanka siyaasadeed ee meesha ay ka baxday hogaamintooda, waxeyna adkeysiga hayadaha dowladda wakhtiga adag ay ku xiran tahay aqoonta xooggan oo ay leeyihiin shaqaalaha rayidka oo sii wadaya meelmarinta siyaasadaha iyo barnaamijyada furaha u ah adeegyada hayadaha dowladda, waxaana hayad walba shaqadeeda hogaaminaya agaasimaha guud iyo kuwa ka hooseeya oo ah shaqaale rayida oo wakhti dheer hayadaha ka shaqeynayey, kuwaas oo ka madaxbanaan xilalka ku imanaya hanaana siyaasadeed ee isla bedelaya maamulka madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya nasiib uma lahan madax uu ku soo xusho aqoon oo balanqaadyadiisa siyaasadeed la fuliya, waxaana madaxda uu soo xusho waxkaqabadka siyaasadihiisa kala weyn macriifada iyo saaxiibtinimada kala dhexeysa madaxweynaha, waxeyna taas ay tusaale u noqoneysa ineysan kala madaxbanaaneyn saaxiibtinimada iyo hawlaha dowladda oo adeegyadooda laga sugayo madaxdaas, waxeyna saaxiibada madaxweynaha ay jebiyeen xayndaabkii ku dhisnaa isla xisaabtanka madaxweynaha iyo lataliyeyaashiisa oo uu iyaga ugu xilsaartay iney gacan ku siiyaan meelmarinta waxqabadka ay dadweynuhu ka sugayaan balanqaadyadii uu horay ula soo galay, balse taas bedelkeeda ayaa waxey saaxiibadaas u muuqdaan kuwo aad ugu kalsoon dabarka adag ee ku dhisan fikirka diimaha oo ay isugu xiran yihiin madaxweynaha, taas oo aan sahlaynin in lagu dhiirado in si fudud aan xilka looga qaadi karin.

Waa yaabe yaa madaxweynaha u soo xula madax-diimeedka macangaga ah? Dhan walba waxaa madaxweynaha uga wareegsan wadaado xagjira oo salalka haykalka xukuumadda meel walba ka haysta, waxeyna kuwaas ay ka mideysan yihiin iney si nabada xukunka ay madaxweynaha ugu wehliyaan inta uu ka dhacayo, iyagoona weliba rumeysnayn in wax ka qabadka siyaasadaha u degsan dowladda aysan muhiim u ahayn mudnaantooda kowaad, balse ay wax ku maamulanayaan aragtiyadooda diimeed ee sida hoose ugu qarsoon, waxaana marar badan lagu baraarugey hajirnimada ka soo dhex muuqatay qudbooyinka madaxda dowladda qaarkood oo ay iyagu isguu haystaan iney yihiin geesiyaal siraadey, waxeyna hadaladoodu taas bedelkeed ay argagax geliyeen inta ka danqaneysa dhaawaca soo gaarey ka soo kabasashada dowladnimada Soomaaliyeed ay ugu soo jirtey mudada dheer oo waxgarad badan ay dadaal xoogan ugu soo galeen gudaha iyo dibedaba.

Waxey ahayd mar dhow markii uu raisulwasaaraha uu u soo jeediyey shacabka qudbad xamaasadeysan oo uu ku kicinayey shacabka, isagoo kala hadlayey qadiyad quseysa siyaasadda arrimaha dibeda oo kicinta gudaha aysan wax weyn ka go’yn karin xasaradaas, balse hadalkiisu uu cabirayey xagjirnimo ku dhex duugnayd oo uu doonayey in muuqaalka dowladda wajigeeda runta ah uu banaanka ku keeno, isagoon taladaas xagjirnimada aysan keligiis ku ahayn, laakiinse ay inta badan xukuumadiisu ay la wada qabto fikirkaas ku dhisan aragti-diimeedka ku hoos lifaaqan siyaasadaha dowladeed ee waafaqsan dastuurka dalka u degsan, waxeyna aragtida xagjiriinta dowladda ay kala saari waayeen mida mudan taageero oo ah ama hanaanka lagu baadi goobayo dowladnimada Falastin ama dhaqdhaqaaqa Xamaas oo falaago ka ah qaabka lagu baadi goobayo dowlad ay yeelato Falastin, balse karkarka iyo kulaylka ay xagjirnimadu ku haysey awgeed ay qarsan waayeen taageeradooda xagjirnimo, isla markaasna iyagoo qiireysan ay dowladnimada Falastin ka door bideen Xamaas oo ah urur xagjira, waxeyna wada aflagaadeeyeen Carab iyo Yuhuudba, iyago adeegsanaya luqad aan diblomasiyad lahayn.

Waxey ahayd sidoo kale mar dhoweyd markii gudoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho uu qudbada uu u jeedinayey shacab uu ugu geystey aflagaado, isagoo adeegsanayey luqad aysan ka muuqan xilkasnimo ku jirta masuul dowladeed, wuxuuna si laablakaca isagoo qiireysan uu u sheegay inuusan dhegjalaq u siin doonin dareenka wata cabashada iyo eedeymaha oo ay shacabku u soo jeedinayaan maamulxumadiisa, waxeyna hadal jeedintaas ay ahayd midii ugu liidatey ee uu soo jeediyo masuul dowladeed, wuxuuna raad raacay tilaabadii uu qaaday raisulwasaaraha oo muujineysey inuu xilka ku joogo qaab saaxiibtinimo oo aysan cidna xilka ka qaadi karin, sidaasna uusan u kala jeclayn in hawshiisa lagu dhaliilo ama lagu cambaareeyo maamulxumadiisa, wuxuuna sidaas uu gudoomiyuhu isaga indho tiray in dalabka shacabka uu yahay midka ugu sareeya oo cabiraya ra’yiga ummaddu ay ka qabto maamulxumada ka dhex jirta hogaanka Gobolka banadir iyo diidmada ah in lala xisaabtamo.

Madaxweynaha si sahlan ayey xilka ku keeneyn saaxiibadiisa ah xagjiriinta diimeed, balse waxaa muuqata iney ku adag tahay iney mudo xileedkiisa ay sumcada madaxweynaha ay samato bixiyaan ama ay madaxweynaha sumcad ugu soo jiidaan iney la rumeeyaan balaqaadyadii uu doorashada ku soo galay, waxeyna taas bedelkeeda madaxweynaha ay ku noqdeen maamulkiisa lugooyo ay ceebtoodu uga timaado gudaha iyo dibeda, waxaana cid kasta oo si dhaba u fakereysa u muuqata in madaxweynuhu marba marka ka sii dambeya uu sii dhex muquufayo dhibaatooyin ku sii simbiririxinaya haadaan uu ka sii dhacayo, waxaana aad u adag in la helo cid ka badbaadin karta godkaas mugdiga ah oo uu hoobadka ugu jiro inuu ugu dhaco salkiisa, waxaana fiicnan lahayd in garasho dowladnimo ay ku jiri lahayd xagjiriinta dowladda oo sabab u noqon lahayd iney xilalka dowladda iska casilaan inta aysan ceebtoodu gaarin meel aad uga durugsan fadeexadaha siyaasadeed ee mustaqbalka dhow imaan kara.

Wasiiradu waa adeegeyaasha madaxweynaha oo awoodiisa ergeda ugu ah hogaaminta shaqaalaha rayidka dowladda iyo raaligelinta lagu helayo kalsoonida buuxda ee shacabka, balse nasiibdaro madaxweynaha isagaa soo xushay kuwii mudo xileedkiisii hore soo fashiliyey iyo kuwii xil sugeyaasha u ahaa kuwaas, waxeyna shacabka Soomaalida maanta ay ku baraarugeen in dhamaan hawlwadeenada madaxda ka ah xukuumadda ay wada yihiin xagjiriin saaxiibo dhow la ah madaxweynaha, waxeyna ay taas muujineysaa in madaxweynuhu uu go’aansaday inuu jabkiisa uu gacmahiisa ku soo xushay, isla markaasna uu rajeynayo inuu natiijadeeda qaraar la wadaago saaxiibadiisa diimeed oo aysan ku kala hari doonin fashilka siyaasadeed oo ay ku wada mideysan yihiin, waxeyna taas ay ka turjumeysaa saansaan siyasadeed oo odoraseysa in madaxweynuhu galbaday oo wixii hadda ka dambeeyana ay soomaaliya wajaheyso kalsoonida shacabka oo rajooyinkoodu ay gabaabsi noqon doonaan iyo wadamada saaxiibada caalamka oo shaki weyn ka qaada maalgelinta dib loogu dhisayo soo kabashada dowladnimada Soomaaaliya.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

Taliban oo weerar dhimasho sababay ku qaaday goob ay ka socotay Xaflad Aroos !

Cabdi Cade

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---