Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Puntland oo qorsheynaya talaabo sii hurin karta khilaafka doorashada

Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda meel mariyo xeerka wax beddelka doorashooyinka, kaasoo uu soo saaray guddiga doorashooyinka dhowaan.

Xeerkan ayaa Baarlamaanka loo gudbiyay shalay, kaasoo sheegaya in doorashada waqtigeeda laga dhigo dhammaadka bisha febraayo, laguna qabto hab ay Madaxweynaha iyo baarlamaanku dooranayaan shacabka Puntland.

Xubnaha Golaha wakiilada Puntland ayaa la filayaa iney xeerkan meel mariyaan 20ka bishan oo ku aadan isniinta soo socota.

Siyaasiyiinta ka horjeeda Deni oo horey uga hor yimid xeerkan ayaa uga digay Baarlamanku inuu qaado tallaabo mar kale horseedi karta xasilooni darro amni

Waxay intaas ku dareen in baarlamanka lagula xisaabtami doono ka shaqaynta damac siyaasadeedka u gaarka ah Deni,.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyooday magaalada Garowe, ka dib qalalaase ka dhashay go’aan uu baarlamaanku ku meel mariyay oo aha in la furo dastuurka oo wax laga bedelo qodobada qaar oo Deni uu daneynayey.

 

Related posts

Ciidamo Duullaan ku ah Degmada Ceelbuur iyo Deegaano hoostaga oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay deg. Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & Gudoomiye Adan Madoobe (Sawirro)

Caydiid Ali