Allbanaadir.com
NEWS

General Maxamed Jidhif oo aas ballaaran loo sameeyay iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qaybgalay aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inuu qarankani noqdo mid taabba gal ah oo yeesha ciidan cududdiisa laga cabsado.

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo goobta aaska ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba qaranka Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey,“Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka Ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Hey’adda Duulista Rayidka DF oo War ka soo saartay keenista Qaadka Kenya

Caydiid Ali

Wadada isku xirta Muqdisho & degmada Jowhar oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Marina Walter

Cabdi Cade