Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Kenya oo hakisay go’aan ay dhawwaan soo saartay kaddib muran ka dhashay

Dowladda Kenya ayaa hakisay go’aan ay dhawwaan ka gaartay qaadashada kaarka aqoonsiga dalka iyo dokumintiyo kale kadib markii arrintan ay muran ka abuurtay gudaha dalka.

Dowladda ayaa hadda dooneysa in arrintaan ay ka talo-geliso dadweynaha ka hor inta aaney dhaqan gelin 1-da bisha January ee sannadka 2024-ka.

Horey ayay u sheegtay dowladdu in lacago dheeri ah ay ku kordhisay sharciga dalka iyo warqadaha kale.

Arrintan ayaa looga falceliyay siyaabo kala duwan, iyadoo shacabka Kenya ay badankood ka soo hor jeesteen.

Qiimaha cusub ayaa la soo rogay iyadoo aan la ogeysiin dadka shacabka ah ee ku nool waddanka, waxayna ku soo aadeysay xili dalku la daala dhacayo sare u kac qiimaha maciishadda.

Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse dowladda ayaan dhawaan sheegtay in ay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

Waxaa sidoo kale dhawaan la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

Qaadashada warqadda dhimashada ayaa horey dowladdu uga dhigtay 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

Waxaana markaas saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa lagu kordhayay dhawaan qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Magacyada) Odayaasha soo xulaya ergada dooraneysa 6 ka mid ah kuraasta shacabka

Caydiid Ali

Ninkii Guriceel ku dilay C/llaahi Cali Hudeey oo gacanta lagu soo dhigay

Caydiid Ali

Xogo cusub oo laga helay Heshiiskii DF iyo Janan & Balan qaadyadii lagu soo xero galiyay

Cabdi Cade