Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo si adag uga hadashay weerarka Isreal ku qaaday Isbitaalka Al Shifa

Ciidamada Isreal ee gudaha u galay magaalada Gaza ayaa xalay weerar ku qaaday isbtaalka ugu weyn magaaladaasi ee Al Shifa, xilli isbitaalka ay ku sugan yihiin kumanaan shacab ah oo isugu jira bukaano iyo kuwa gabaad ka dhigtay.

War kasoo baxay xukuumadda Xamaas ee magaalada Gaza ayaa lagu cambaareeyay weerar ciidamada Isreal ku qaadeen isbitaalka Al Shifa, waxa ayna Xamaas ku tilmaantay weerarkaasi dambi dagaal iyo dambi ka dhan ah bini’aadannimada.

Kooxda Xamaas ee maamusha magaalada Gaza ayaa sheegtay in 9,000 oo bukaan ah, shaqaale caafimaad iyo dad rayid ah oo barakacayaal ah ay ku sugnaayeen isbitaalka markii weerarku xalay dhacayay .

Hoggaamiyaha Xamaas Izzat al-Rishq ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Israa’iil ay weerartay goob rayid ah, oo aysan weerarin goob ciidan, waxa uuna ku tilmaamay weerarkaasi dambi dagaal oo ka dhan ah bini’aadannimada.

Maamulka Isreal iyo dowladda Mareykanka ayaa sheegay in isbitaalka Al Shifa gudihiisa saldhig ku leeyihiin kooxda Xamaas, warkaasi waxaa si adag u beenisay kooxda Xamaas oo tilmaantay in aysan isbitaalka wax shaqo ah ku laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku riday Rag magaca Al Shabaab dadka ku baadi jiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe 2 dardaaran u jeediyey Xildhibaanadii lagu doortay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow (Sawirro)

Cabdi Cade