Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Isreal oo gudaha u galay Isbitaalka Gaza iyo falalkii ay ka sameeyeen

Ciidamada Isreal oo wata taangiyo iyo hub kale oo culus ayaa galay gudaha Isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza ee Al Shifa, halkaas ay ku go’doonsan yihiin bukaanno, dhaqaatiir iyo dad kale oo shacab ah.

Goobjooge ku sugan isbitaalka Al Shifa ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo kumaandoos ah oo ka badan 100-askari in xoog ku galeen qeybo kamid ah isbitaalka, waxa ayna ciidamada qaaca ilmada dadka ka keenta ku buufiyeen dadkii isbitaalka ku sugnaa.

“Waxaan ku arkay lix taangi gudaha isbitaalka iyo in ka badan boqol ciidamada gaarka ah ee loo yaqaanno komaandooska, oo galay qaybta gargaarka degdeg ah ee isbitaalka, waxay xirnaayeen wejiga waxayna ku qaylinayeen oo ku oranayeen afka Carabiga, ha dhaqaaqin ha dhaqaaqin,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa isbitaalka Al Shifa.

Goobjoogaha ku sugan isbitaalka Al Shifa ee warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka isbitaalka ku sugan oo markii hore xaalad adag ku sugnaa loogu sii daray sun , taa oo keentay in dadka qaar ay neef qabatoomaan.

Ciidamada galay gudaha isbitaalka ayaa la sheegay in halkaasi ka sameeyeen baaritaanno, lamana oga ciidamada in halkaasi dad ka xir xireen iyo in kale, waxaana wararka qaar sheegayaan in dadkii joogay qaarkood ay dhibaateeyeen ciidamada.

Isbitaalka Al Shifa waxaa ku go’doonsan dad ka badan 2-kun oo qof, waxaana maalmihii lasoo dhaafay isbitaalka ku geeriyooday dad badan oo u dhintay haraad iyo koronto la’aan , waxaana dadka dhintay ku jira dhallaan isbitaalka ku dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ka xumaaday Maxaabiistii Shabaabka aheyd ee xabsiga ka baxsaday

Cabdi Cade

Gabar 34-sano jir ah oo noqotay Ra’isul Wasaaraha Dunida ugu yar

Cabdi Cade

Xus weyn iyo isku soo bax maanta ka dhacay Isgoyska Zoope (Sawirro)

Caydiid Ali