Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuuliyiin la dardaarmay ciidan loo diyaariyey la dagaalka Al-shabaab (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur GalbeedĀ  mudane Xassan Cabdulqaadir Maxamed oo ay weheliyaan Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Taliyaha police-ka Koonfur Galbeed ayaa kormeer ugu tagey ciidanka police-ka gaarka ah Koonfur Galbeed ee Degmada Wanleweyn.

Wasiirka ayaa ciidan kula dardaarmey in ay isku diyaariyaan ciribtirka al-shabaab wejigiisa 2-aad oo dhawaan ka bilaaban doona Koonfur Galbeed.

Wasiirka wuxuu sidoo kale ku booriyey ciidanka isku xirnaanshaha iyo sida ay uga go’an tahay la Dagaalanka al-shabaab iyo difaaca dalkooda.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmey in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo isku dhaca dhexdooda ah, hadafkooda koowaadna ka dhigtaan la dagaalanka cadowga.

Related posts

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab xilli ciidanka ay…

Cabdi Cade

Hoggaamiyihii Wagner ee khal khalka galiyay Putin oo la shaaciyay halka uu joogo

Cabdi Cade

Tirada Haweenka Kamid noqonaya Golaha Shacabka ee laga rabo maamulada oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---