Xamaas ayaa muuqaal ay soo dirtay ku sheegtay in haweeney Israa’iili ah oo ka mid aheyd dadka lagu haysto Qaza lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Israa’iil.
Muuqaalka oo dhererkiisu hal daqiiqo ka badan yahay ayaa waxaa uu ka soo muuqday kanaalka Telegram ee Guutada Al Qassam, garabka milateri ee Xamaas.
Ciidamada Israel ayaa sheegay in qoyska haweeneydan ay ka warqabaan jiritaanka muuqaalka.
Videoga ayaa muujinaya haweeneyda oo geerideeda ka hor ku hadlaysa kamarada oo akhrinaysa hadal gaaban. Waxay faahfaahin ka bixisay aabaheed iyo hooyadeed, magaaladeeda iyo aqoonsigeeda Israel. Waxay da’deeda ku sheegtay 19 jir.
Hadalka ka dib, Videoga waxaa lagu soo muujinayaa maydka haweenaydaasi, waxaana la sheegayaa in uu yahay dhimashadeeda duqaymaha Israel ee Gaza ka dhacay 9-kii November.
Warbixin kooban oo ay soo saartay goor dambe oo Israel waxay sheegtay in wakiil ciidan uu booqday guriga qoyska si uu ugu sheego muuqaalka.
“Xamas waxay sii waddaa inay adeegsato argagixisada nafsiga ah iyadoo u dhaqantaa si ka baxsan bini’aadan-tinimada, iyadoo adeegsanaysa muuqaalo iyo sawiro la haystayaasha, sidii ay horeba u samaysay,” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada Israel.
Dad badan ayaa isweydiinaya bini’aadan-tinimada ay ka hadlayaan ciidamada Israel xili ay duqeymo aan kala sooc laheyn ku xasuuqeen dad ka badan 11 kun oo u badan caruur iyo haween.