Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Joko Widodo oo dhigiisa Biden gaarsiiyey fariin uu ka siday 57 dal oo Muslim ah (Sawirro)

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ahna madaxweynaha waddanka ugu Muslimiinta badan dunida ayaa Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Waxaa uu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday 57 dowladood oo dunida Muslimka ah, taasoo ay kaga dalbanayeen inuu ku cadaadiyo Israa’iil xabad joojin laga hirgeliyo Gaza.

Joko Widodo ayaa ku cadaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden intii lagu gudajiray booqashadii aqalka cad inuu soo afjaro xasuuq Gaza ka socda uuna gacan ka geysto xabbad-joojin.

Dagaalkii Israa’iil iyo Xumaas ayaa daboolay wadahadalada, oo loola jeeday in lagu soo bandhigo kor u qaadida xiriirka ka dhexeeya Indonesia iyo Mareykanka

Laakiin Biden ayaam soo hadal qaadin kulaka ka dib arrinta Gaza, isagoo diirada saaray qorsheynta si kor loogu qaado iskaashi lala yeesho Indonesia ilaa heerka ugu sareeya, oo loo yaqaan iskaashi istiraatiijiyadeed oo dhameystiran.

Washington ayaa isku dayaysa iney xulafo ka dhiso gobolka Aasiya-Pacific iyada kaasoo ka dhan  ah saameynta Shiinaha ee kor u sii kaceysa, iyadoo Indonesia ay muhiim u tahay dhismaha xulufadaas.

“Waxaan ka wada hadli doonaa wadashaqeynta ku saabsan macdanta loo isticmaalo baytariyada gawaarida korantada iyo tikniyoolajiyada kale ee tamarta nadiifka ah, oo ay leedahay indonesia kayd badan” ayuu yiri Biden.

 

Related posts

Baaritaan la marinayo Caafimaadka maskaxda Madaxweyne Trump oo dood adag ay ka taagan tahay

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & Xildhibaanada metela Hirshabelle? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha gudaha DF oo eedeymo culus u jeediyey hogaanka Ahlu Sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---