Garaadka Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa digniin culus u jeediyay maamulka Somaliland oo uu ku eedeeyey iney wadaan abaabul dagaal iyo hurinta colaad cusub
Garaadka ayaa Somaliland uga digay inay joojiso dagaalka iyo sheegashada degaanada SSC-khaatumo, isagoo ugu baaqay haddii ay nabad rabaan iney dhulkooda ku ekaadaan.
“Wiilashiinna haddaad ceshataan, kuweena waa ceshanaynaa, balse haddaad ceshan waydaan, anaguna ceshan mayno. aan aragno Ninkay hali ugu dhasho iyo ninkii ay ugu badiso” ayuu yiri Garaadka.
Waxaa uu ku goodiyey iney talaabo culus qaadi doonaan hadii Somaliland ay sii wado iney dhulkooda sheegato.
“Hadday mar dambe Somaliland sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xiraynaa, anakuna waxaan tegeynaa Hargeysa, waana soo qab qaban doonaa kuwii dhibta iyo xasuuqa ka gaystay dhulkayaga” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.