Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay nus darsin hoggaamiyeyaasha iyo maalgeliyayaasha Xamaas.
UK iyo Mareykanka ayaa afar ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee Xamaas iyo laba ka mid ah maalgeliyayaashooda ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah, xayiraadda hantida iyo cunaqabateynta hubka.
UK iyo Maraykanka ayaa horey Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso, iyadoo xubnaha Xamaas ee xanibaada la saaray ay ka mid yihiin:-
1-Yahya Sinwar, oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas iyo hogaamiyaha siyaasadda kooxda ee Gaza.
2-Mohammed Deif, hogaamiyaha sare ee Xamaas iyo taliyaha guutada Izzal-Din Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, oo ku dhawaaqay weeraradii Argagixiso ee Oktoobar 2023
3-Marwan Ciise, oo ah hogaamiye sare oo Xamaas ah iyo taliye ku xigeenka guutooyinka Al-Qassam
4-Musa Dudin, oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas oo fadhigoodu yahay daanta galbeed, una soo iibiyay kooxdan hubka
5-Abdelbasit Hamza, oo ah maalgeliyaha Xamaas fadhigiisuna yahay Suudaan, waxa uu lahaa shabakad shirkado ah oo lacagaha dhaqda iyo lacagaha ka ganacsan jiray si ay u maalgeliyaan Xamaas.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku tilmaantay Akram al-Ajouri, hogaamiyaha kooxda Islamic Jihad ee reer Falastiin, inuu yahay argagixiso si gaar ah loogu asteeyay caalamka, halka Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku ay cunaqabatayn ku soo rogtay “Saraakiisha muhiimka ah ee Xamaas
Tallaaboyinkan ayuu Mareykanka sheegay in loo qaaday si looga jawaabo weerarkii 7-dii Oktoobar ay Xamaas ku qaaday Israa’iil,
Magacaabista iyo cunaqabateynta labadaba waxaa looga dan leeyahay in lagu hor istaago shakhsiyaadka iyo ururrada helitaanka kheyraadka iyo maalgelinta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Mareykanka.
“Al-Ajouri waxa kale oo uu u shaqeeyaa ku xigeenka xoghayaha guud ee Islamic jihad” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo war qoraal ah soo saaray.
Maraykanka ayaa sheegay inuu isku dubariday tababarida iyo hawl-gallada qorista maleeshiyada ee Islamic Jihad ee ka howlgala Gaza, Syria, Sudan, Lebanon, iyo Yemen.
Dhanka kale, Waaxda Maaliyadda ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Mahmoud Khaled Zahhar oo ah xubin sare oo aasaasihii kooxda Xamaas si dhow ula soo shaqeeyay.
“Zahhar waxa uu si fagaare ah ugu hadlay magaca Xamaas, oo ay ku jiraan waraysiyo rasmi ah, si uu ugu hanjabo rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Yuhuuda, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay burburinta Israa’iil,” ayay waaxda maaliyadda ku sheegtay war-saxaafadeed.
Zahhar wuxuu sidoo kale qiray oo uga mahadceliyey Iran taageerada ay siiso Xamaas.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka
Mu’ad Ibrahim Muhammed Rashid al-Atili ayaa lagu daray liiska argagxisada ka dib markii lagu eedeeyey inuu wakiil u yahay, si toos ah ama si dadban, Xamaas.
Marekanka ayaa sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogay Wakiilka Islamic Jihad ee Iran Nasser Abu Sharif oo ah madaxa Muhjat AlQuds Foundation, kaasoo la sheegay Iran inay maalgeliso oo hadafkiisa koowaad yahay inuu taageero dhaqaale siiyo qoysaska dagaalyahannada Islamic Jihad.
Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale xayiraad saartay shirkadda sarifka lacagaha ee Nabil Chouman & Co, oo fadhigeedu yahay Lubnaan, taasoo lagu eedeeyey iney Xamaas lacagta uga xawisho Iran, una gudbiso Gaza,
Sidoo kale, waxaa xaninaad la saaray aasaasaha shirkadda Nabil Khaled Halil Chouman, wiilkiisa Khaled Chouman iyo sarifle kale oo fadhigiisu yahay Lubnaan kaasoo la yiraahdo Rooda Cali Khamiis.
“Muddo dhowr sano ah, shirkaddu waxay u adeegaysay sidii marin loogu heli lahaa dhaqaalaha Hamas, iyadoo tobanaan milyan oo doolar u wareejinaysa ururka argagixisada,” ayay tiri Waaxda Maaliyadda.