Allbanaadir.com
NEWS

R/W kuxigeenka dalka oo Indhihiisa kusoo arkay Saameynta Fatahaadii Baydhabo (Sawirro)

Raiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo si uu ugu kuur-galo xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-nino).

Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda SoDMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa booqday xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo sidoo kale Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, Isagoo kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali lagu dilay Magaalada Johannesburg & faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhacdo dad badan ka argagaxeen oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

C/kariin Guuleed oo ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaday gobolka Mudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---