Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaama.
Ra’iaul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya wafdigiisa gaaray magaalada Baydhabo waxaa qeyb ka ahaa madax katirsan hay’addaha ka shaqeeya arimaha Gargaarka, kuwaa oo u kuur galayay xaalada ka dhalatay fatahaadyada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wafdigiisa la wadaagay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha ka dhacay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadaalada socda ee u gurmashada dadka saameynta ku yeeshay fatahaadka biyaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo madaxda hay’addaha ee wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa dadka fatahaadaha saameyey ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com