Allbanaadir.com
NEWS

Dal Afrikan ah oo isaga baxay tartanka Koobka Adduunka 2026 iyo hal arrin oo Sababtay

Koobka adduunka sannadka 2026 ee ka dhacaya dalalka Mareykanka, Maksiko & Kanada ayaa dal walbo oo caalamka ku yaalla hardan adag ugu jiraa sidii uu ugu soo bixi lahaa ka qeyb galka koobkaasi oo afartii sanaba mar la qabto.

Xulka Qaranka Eritrea ayaa gabi ahaan isaga baxay ka qeyb galka tartanka Isreeb-reebka koobka adduunka ee sannadka 2026-ka, kaddib markii laga cabsaday in ciyaartoyda xulkaasi mataleysa ay baxsadaan oo aysan dalka dib ugu soo laaban.

Ciyaartoyda mataleysa Qaranka Eritrea ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay markii safar dibadda ah u baxayaan lagu xiri jiray damaanad, waxaana inta badan laga qaadi jiray dumkumiintiyada qaaliga ah, iyada oo sidoo kale shuruudo kale lagu xiri jiray.

Dalka Eritrea ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah ayaa ciyaartoy marar badan tartamo ku mataleysay aysan dalka dib ugu soo laaban, ciyaartoydaasi qaarkood ayaaba iska dhiibay dalal kuyaalla qaarada Afrika si ay nolol uga helaan.

Xiriirka Cayaaraha ee Dalka Eretrea ee loosoo gaabiyo (ENFF) ayaa la sheegay in uu fariintaan u gudbiyay madaxda sida gaarka ah ugu shaqeyneysa howshaan maadaama go’aankaan uu yahay mid dhanka dowladda kasoo baxay loosoo marsiiyay.

Ku dhowaad 60 cayaaryahan oo u dhashay Eritrea ayaa dalkooda ka baxsaday tan iyo sannadkii 2009-kii , waxa ayna ciyaartoydan markoodii hore u baxeen in tartamo ka dhacaya Afrika iyo meelo kale dalkooda ku matelaan, balse dib uma soo laaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Khayre & Ku-xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciraaq oo jawaab caro leh ka bixisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Shirkada Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku tagi jirtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---