Allbanaadir.com
NEWS

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa ka socda dagaalo xooggan iyo duqeymo culus oo lagu garaacayo, waxaana qeybo badan oo kamid ah magaalada Gaza daadsan meydadka dadka shacab ah .

Ciidamada Isreal ayaa go’doomiyay isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza ee Al Shifa, waxaana halkaasi yaalla bukaanno badan oo qaba dhaawacyo kala duwan iyo carruur dhallaan ah oo waqtigooda buuxsamin.

Dad badan oo ku sugnaa gudaha isbitaalka go’doonsan ee Al Shabaab ayaa lasoo tabinayaa in ay dhinteen, waxaana dadka dhintay ku jira carruur, waxaa sidoo kale xaalad halis ah ku jira dad kale oo isbitaalka ku jira, kuwaa oo nolol adag wajahaya.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa tabinaya in eeyaha kunool magaalada Gaza baahi dareed hadda bilaabeen in ay cunaan hilbaha dadka dhintay ee yaalla waddooyinka iyo xaafadaha kuyaalla magaalada Gaza.

Caalamka ayaana indhaha ka eeganaya xasuuqa ka socda magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada Isreal bur buriyeen inta badan magaalada Gaza, waxa ay hadda go’doomiyeen oo korontadii iyo biyihii ka jareen isbitaalka Al Shifa iyo kuwa kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dilay gabar xiriir jaceyl kala dhaxeeyay iyo Xiisad dilkaasi ka dhashay

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Xarumaha degmooyinka Muqdisho oo caawa la weeraray

Caydiid Ali

Dowlada soomaaliya oo culeys adag soo waajahay iyo dilii ka dhacay Muqdisho oo …..

admin
Taboola Ads ---