Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron oo loo Magacaabay Wasiir

Raysal Wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada.

Isku shaandhayntan waxaa shaqadeeda ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad ugasoo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii dagaalka Xamaas iyo Israa’iil.

David Cameron ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay shirkii ballaarnaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano ‘New Deal’.

Dhawaan ayey ahayd markii Raysal wasaare ka dambeeyay David ee lagu magacaabo Boris Johnson uu helay shaqo saxafinimo.

Xigasho: BBC

Related posts

Daawo:-Tartan Nuuc cusub ah oo loo qabanayo Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Magaca ninkii isku qarxiyay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Siciid Deni oo isabadal ku sameeyay taliyaal Ciidan iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---