Allbanaadir.com
NEWS

Somalia iyo Masar oo ku heshiiyey iney iska kaashadaan hal arrin (Sawirro)

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Somalia iyo wafidiga uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa Qaahira kulan miro dhal ah kula qaatay wasiirka cadaaladda dowladda Masar, mudane Cumar Marwaan.

Kulanka Labada wasiir ay yeesheen ayaa looga hadlay iskaashi dhanka arrimaha cadaaladda, sharciyadda iyo garsoorka taasoo ay wadajir uga shaqaynayaan  labada dowladood.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim ayaa dhigiisa Masar uga mahad celiyay casuumaadda uu u fidiyey, isagoo bogaadiyay horumarka dhanka adeegyadda cadaaladda iyo garsoorka ee dalka Masar.

Wasiirrada Cadaaladda ee labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida ay labada dowladood ee walaalaha ah ugu heelan yihiin xoojinta xiriirkaaas waxaana la isla gartay in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah.

Related posts

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Xiisada u dhaxeysa Somalia iyo Imaaraatka

Cabdi Cade

Ku dhowaad kun qof oo ku naf waayey Roobab iyo daadad ku dhuftay dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamaanka Itoobiya oo go’aan ka gaaray Ururka ONLF iyo Ururo kale oo hubeesan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---