Qarax ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Ex kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad oo ku taalla wadada Warshadaha gaar ahaan afaafka hore ee jidka laga degmada Dayniile.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo meelo badan laga maqlay uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada amaanka oo ka shakiyey ninkaas ay rasaas ku fureen ninkan xili uu doonayey inuu dhex galo iskuna qarxiyo ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa xeradaas.
Rasaasta ay fureen ciidamada amaanka ayaa sababtay in ninkaas ay ku qarxaan waxyaabihii uu sitay ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkii uu doonayey sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.
Ciidamada Dowlada ayaa xiray goobtaas, kuwaasoo wada baaritaano, lamana oga weli inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas.
Dhowaan ayey aheyd markii isla xeradan uu isku qarxiyey nin qaraxyo soo xirtay kaasoo beegsaday ciidamo ka tirsanaa kuwa dowlada oo halkaas safaf ugu jiray, waxaana ku dhintay askar fara badan halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.