Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo shaqaale Caafimaad ku dilay Isbitaalka Al-Shifa

Saddex kalkaaliye caafimaad ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saddexda kalkaaliye ay sababsadeen rasaas ay fureen ciidamada Yuhuuda ee ku sugan agagaarka Isbitaalka Al-Shifa.

12 bukaan oo ay ku jiraan laba carruur ah oo aan weli dhalan, ayaa sidoo kale ku dhintay isbitaalka tan iyo markii korontadu ka dantay shidaal la’aan awgeed 11-kii Nofembar sida ay sheegtat Qaramada Midoobay

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza waxaa sidoo ay sheegtay inuu dhintay ilmo saddexaad oo dhicisoobay.

Isbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza ayaa lagu qasbay inuu xidho shaqadiisa iyadoo matoorkii ugu weynaa uu ka dhamaaday shidaal go’doominta Israel awgeed.

Dhinaca kale, Duullaankii u dambeeyay ee Israa’iil ayaa ka socda dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, iyadoo la soo sheegayo qarax ka dhacay Qalqily iyo iska horimaad ka dhacay Nablus.

Labo askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay Axaddii intii ay isku dhaceen dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan dhulka go’doonsan ee Gaza, sida uu sheegay milatariga Israa’iil.

Inta u dhaxaysa lix ilaa todobo dagaalyahan oo taageersan Iran ayaa la sheegay in la dilay ka dib markii Maraykanku uu duqayn ka fuliyay bariga Suuriya, sida uu sheegay wariye ka tirsan Fox News oo soo xiganaya ilo ka tirsan Pentagon-ka.

Dibad-baxayaal fara badan oo isugu soo baxay ka hor shirka madaxda iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (APEC) ee ka dhacaya San Francisco ayaa muujiyay taageerada Falastiiniyiinta, iyo walaac kale.

New Zealand ayaa sheegtay in 11 ka mid ah muwaadiniinteeda ay xalay ka baxeen Qaza oo ay Masar ka soo galeen xadka Rafah.

Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la soo wariyay ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday meel u dhow Khan Younis iyadoo isbitaallada Gaza ay ka caroodeen tirada bukaannada oo sii kordhaya iyo shidaal la’aanta sababtay iney joogsadaan adeegyadii Caafimaad.

Dagaalyahano taabacsan Iran ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeymaha Mareykanka uu ka wado Suuriya

Inta u dhaxaysa lix ilaa todobo dagaalyahan oo taageersan Iran ayaa la sheegay in la dilay ka dib markii Maraykanku uu duqayn ka fuliyay bariga Suuriya, sida uu sheegay wariye ka tirsan Fox News.

Related posts

Dagaalo caawa ka dhacay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Shahaado sharaf la guddoonsiiyay xubno katirsan Guddiyada doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---