Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Netanyahu oo ka hadlay sida loo sii deynayo Maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas

Israa’iil waxa ay “samaynaysaa wax kasta oo aan kari karno habeen iyo maalin” si ay Xamaas u sii daayaan in ka badan 200 oo la haystayaal ah sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Tani waa mid ka mid ah labada hadaf ee dagaal. Mid waa inaan burburino Xamaas, midda labaadna waa inaan soo celinno dadka ay haystaan,” ayuu yiri.

Netanyahu ayaa la waydiiyey waxa uu ka oran doono kumannaanka Israa’iiliyiinta ah oo ay ku jiraan qoysaska la haystayaasha, ee isugu soo baxay toddobaadkan Tel aviv iyagoo ka xumaaday in aanay xog badan ka helin ehelkooda oo ay Xamaas qafaasheen 7-dii Oktoobar.

Wuu ku jawaabay, isagoo leh: “Waa wax la fahmi karo. Waxay ku jiraan dhibaato aad u weyn. Waxay ku hoos jiraan – kaliya, jirdil.”

Markii la weydiiyay inuu wax ku filan qabanayo iyo in kale, Netanyahu wuxuu yiri: “Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno saacad walba,”

Netanyahu wuxuu yiri “dhammaan dunidu waa inay nagu soo biiraan” isku dayga lagu soo furanayo la haystayaasha, isagoo intaa ku daray in xabbad joojinta kaliya ee la tixgelin doono ay tahay mid lagu sii daynayo la haystayaashayada.

Xamaas ayaa ku xirtay sii deynta maxaabiista shuruudo ay ka mid yihiin xabad joojin ka hirgasha Gaza iyo sii deynta kumanaan falastiiniyiin ah oo ku jira jeelasha Israel, hase ahaatee Netanyahu ayaa shuruudahaas horey u diiday, iyadoo Israel ay u dhaqmeyso sidii ineysan dan ka laheyn nolosha maxaabiista laga heysto.

Netanyahu ayaa lagu eedeeyey inuu ku guul darreystay inuu ka hortago weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo aasaaskii Israel, kaasoo rag hubaysan oo Xamaas ah ay ku dileen in ka badan 1,200 oo qof isla markaana ay qafaasheen in ka badan  200 oo kale.

Mudaharaad dhacay Sabtidii, qoysaska la haystayaasha ayaa ugu baaqay Netanyahu iyo dowladda inay wax badan ka qabtaan sidii loo sii deyn lahaa.

 

Related posts

Maxkamad xukun ku riday Shan nin oo xabsi dhaxdiisa ku dilay Sharmaarke Warsame Nuux

Cabdi Cade

Wasiir ka hadlay dil magaalada Muqdisho uu ka geestay askari katirsanaa ilaaladiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan oo wadnaha gooyey dowlada Sweden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---