Allbanaadir.com
NEWS

Madaale iyo Maamulada degmooyinka oo ka shiray xaalad soo korortay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankaas Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladihii ugu danbeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Caasimadda Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Madaale ayaa maamulada degmooyinka faray iney xoojiyaan dedaalada wax looga qabanayo nadaafafaa caasimada iyo maareynta biyaha roobabka ee xiray jidadka magaalada qaarkood.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xili nadaafad daradii ugu baaxada weyneyd mudooyinkan ay ka jirto caasimada dalka taasoo ka dhalatay roobabka xiliga deyrta oo sababay biyo, qashin fara badan iyo dhiiqo isdhex yaalla.

Related posts

La taliyihii Madaxweyne Trump ee arrimaha ololaha doorashada oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare iyo Danjire James Swan oo kulan ku yeeshay Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka Dhaxeeya Kutlada Badbaadada Baarlamaanka 2018-ka iyo tii 2014ka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---