Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia & Sacuudiga oo heshiis kale ku kala saxiixday Riyadh (Sawirro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kalena dhiseysa dadaal wadajir ah oo  dhanka amniga ah.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal, iyadoo heshiiskan uu daba socdo heshiis kale oo maalmo ka hor Abshir Cumar Jaamac  la saxiixday dhigiisa Sacuudiga

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb-galay Shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Careebiya isagoo uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda goobta istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu iyo kororka joogtada ee dadka Soomaaliyeed ee horumarka ka sameynaya ganacsiga caalamiga ah ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo Sucuudiga ay mudnaan gaar ah siinayaam, dowladduna ay diyaarisay sharciyo dhaqan gal ah oo loo marayo hannaanka maalgashiga dalka.

Related posts

Xassan Shiikh: “Diyaar uma ahi inaan muddo kororsi sameeyo”

Caydiid Ali

Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo gabo gabo maraya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare caan ah oo lagu dhaliilay dayuurad uu u raaco guriga iyo xafiiskiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---