Allbanaadir.com
NEWS

António Guterres & Netanyahu oo mar kale warbaahinta isku mariyey ereyo kulul

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo wareysi siiyay CNN.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa sheegay in Guterres uu eedda dagaalka socda uu dusha ka saaray Israa’iil, taa beddelkeedana ay tahay in uu Xamaas ka dalbado inay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah.

Guterres oo daba socda hadalkaas ayaa sheegay inuu cambaareeyay Xamaas “tan iyo bilowgii. dagaalka hase ahaatee Israel ay ku fashilantay iney kala saarto Xamaas iyo shacabka Falastiin.

“Waxaa jira mabda’ aasaasi ah waana in Xamaas aysan ahayn dadka Falastiiniyiinta ah, Waxaana loo baahan yahay inaad awood u yeelataan in aad kala soocdaan Xamaas iyo dadka falastiiniyiinta” ayuu yiri xoghayaha QM

Israel waxay ku kacday wax ka daran waxyaalihii argagaxa lahaa ee Xamaas ay sameeyeen, mana jirto sabab loo ciqaabo guud ahaan shacabka Falastiin.” ayuu yiri

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan cabashooyin Falastiiniyiinta ka imanayey 56 sano oo ay Israel gumaysanaysay, kaasoo buu yiri sababay weerarka waxashnimada ah ee Xamaas.

Mar uu ka hadlayay doorka Qaramada Midoobay ee dhex dhexaadinta marka uu dhamaado dagaalka, Guterres waxa uu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay isu yimaadaan, Qaramada Midoobayna ay “qeyb ka qaadan karto” arrintaasi.

Waxaa loo baahan doonaa in la sameeyo kala-guur “kaas oo Israa’iil ay aqbali karto marka laga eego aragtida dammaanadda amniga Israa’iil,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray “in ay tahay ” isla markaana ay ogolaato in loo wareejiyo maamul waxtar leh oo Falastiiniyiin ah.” Qaabka saxda ah ee tani “ma muuqato hadda,” ayuu yidhi.

Guterres wuxuu sheegay inay lama huraan tahay in “laga faa’iidaysto” xaaladda oo “ugu dambeyntii la isweydiiyo suurtagalnimada xal laba dowladood ah “Xalka labada dawladood, sida ay aniga ila tahay, waa dariiqa kaliya ee looga bixi karo,” ayuu raaciyay.

Related posts

Wasiir hore oo lagu eedeeyay in uu basaas ahaa oo saakay la Daldalay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Masuul katirsan dowlada Kenya kadib weerar ay …

Cabdi Cade

Soomaali 300 ku dhow oo dal ka tirsan qaarada Yurub u jiifa cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---