Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay weerareen dhowr bartilmaameed oo Xisbullah ku leedahay gudaha Lubnaan Axaddii, iyagoo ka jawaabayay weeraro ay kooxdaas ka geysatay waqooyiga Israa’iil.
Xisbullah ayaa gantaalo ku garaacday goobo ay joogeen ciidamada Israel oo ku yaalla xadka.
“Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka ayaa weeraray dhowr bartilmaameed oo ururka argagixisada ah ee Xisbullah ay ku leeyihiin dhulka Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay toogashadii dhacday horaantii maanta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in kaabeyaasha milateri ee Xisbullah ay ka mid ahaayeen bartilmaameedyadii ay weerareen.
Horaantii maanta , Israel waxay sheegtay in ay qaadayso weerarro madaafiic ah oo ay uga jawaabayso gantaallaha lidka taangiyada oo laga soo ganay Lubnaan kuna dhacay degaanka Dovev , oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil halkaasoo ay dhowr qof ku dhaawacmeen sida ay sheegtay.
Ururka Xisbullah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegtay inay beegsatay koox saadka milateriga ah oo doonayey inay billaabaan sameynta taawarro isgaarsiineed iyo qalab ilaalineed.
Isku dhacyada Israel iyo Xisbullah ayaa udub dhexaad u ah cabsida laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu ku fido Bariga Dhexe.
Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa khudbadiisii labaad jeediyay tan iyo markii uu dagaalku billowday isagoo adeegsanaya muuqaal Sabtidii, isagoo sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto cadaadiska ay Israa’iil ku hayso xuduudkeeda.