Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo warbixin ka soo saartay Roobabka iyo fatahaadaha ka socda dalka

Heyadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa soo saartay warbixintii u dambeysay ee saameynta ka dhalatay Roobabka Mahiigaanka ah El-Niño Iyo Fatahaadaha dalka ka socda.

Waxay saameysay Elnino Dowlad Goboleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland sida ay sheegtay heyaddu, waxayna msoo saartay tirakoobka hoos ku xusan.

➤ 𝗦𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱            : 𝟵𝟯𝟮,𝟱𝟴𝟬  𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝗰                           : 𝟱𝟯𝟰,𝟭𝟴𝟬 𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮  𝗗𝗵𝗶𝗺𝗮𝘀𝗵𝗼   : 𝟯𝟮 𝗥𝘂𝘂𝘅

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱        : 𝟰𝟱𝟲𝟬 𝗼𝗼 G𝘂𝗿𝗶

Dhinaca kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ku saabsan xaalada guud ahaan degaannada ay fatahaadaha iyo daadadka roobabku saameeyeen ka dhageystay guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyaha kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha hay’ada SODMA in dadka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo si hufan, isla-markaana ay laba jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isku gurmado oo la gacan qabto dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo koontaroolka Garawe ku xayiray gaadiid aad u badan (Sawirro)

Cabdi Cade

Nayef Falah Mubarak oo ka hadlay heshiiskii ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo Indhihiisa kusoo arkay Burburka gaaray Isbitaalka Beledweyne (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---