Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isbitaalka Al-Shifa oo shaqadii joojiyey & Xerada Jabalia oo mar kale la duqeeyey (Sawirro)

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza, Ashraf al-Qudra, ayaa sheegay in Isbitaalka Al-Shifa uu gabi ahaanba joojiyey adeegiisa, isla markaana aanu wax daawayn ah siin karin xataa bukaanada ku jira xaruntaasi, sababo la xiriira weerarada joogtada ah ee ciidamada Israel.

“Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu beegsaday qeybo ka mid ah isbitalaka iyo agagaarkiisa, ciidamada Israel oo wax ka yar 1km u jira xeyndaabka isbitaalka ayaa sidoo kale soo tooganaya qof kasta oo dhex socda gudaha iyo barxadda u dhexeysa dhismayaalka kala duwan ee isbitaalka, iyo xitaa dadka doonaya inay gaaraan albaabka dhismaha” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa xusay in caruur iyo dad kale oo isbitaalka lagu baxnaaninayey ay dhinteen saacadihii la soo dhaafay sababo la xiriiradawo la’aan iyo mashiinada oo shidaal la’aan noqday awgood.

“Dhimasho ayaa ka dhacday gudaha isbitaalka ka dib markii mashiinada taageerada noloshu ay joojiyeen inay ka shaqeeyaan gudaha qaybta oo ay ku jiraan 37 kale oo caruur ah kuwaasoo laga yaabo inay qarka u saaran yihiin geeri,” Al-Qudra ayaa yiri.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan 5 dhimasho ah oo ka mid ah dadka dhaawaca ah,kadib markii kooxaha caafimaadka ay awoodi waayeen in ay qaliin ku sameeyaan koronto la’aan iyo shidaal la’aan.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday xerada qaxootiga Jabalia

Wariyeyaasha ayaa ka soo waramaya degaanka Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayaa sharaxaya weerar cusub oo lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jabalia oo ugu yaraan 15 ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Naasir.

“Xeradan qaxootiga waxaa la duqeeyay nus saac ee la soo dhaafay duqeymaha cirka ee Israel. Hal dhismo oo qoys qoys degganaa ayaa gebi ahaanba dhulka la simay. 15 falastiiniyiin ah ayaa la sheegay in la dilay,” ayuu yiri.

Xerada Jabalia, oo ku taal qaybta ay dadku ku badan yihiin oo ka tirsan magaalada Gaza, ayaa horaantii bishan laba jeer la duqeeyey boqolaal qof ayaana lagu dilay halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa qoray in “weerarada aan loo meel dayin ay noqon karaan dembiyo dagaal”.

Related posts

Mucaaradka Puntland oo si adag uga hor-yimid hadalkii kasoo Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Sidee Maalinta 1aad ee Ciida looga dabaaldegay Muqdisho? (Warbixin)

Caydiid Ali

Sirdoonka Israa’iil oo ku eedeeyay Turkiga qaraxii ka dhacay Tel Aviv

Cabdi Cade
Taboola Ads ---