Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta Xassan Shiikh iyo Dhigiisa Eritreya oo kulan gaar ah yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika ee Riyaad.

Labada Madaxweyne oo ka wada hadlay xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Eretariya ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidamada xoogga dalka oo dagaal adag kula jira Al-shabaab, waxaana dalkeeda lagu tababaray kumanaan askari oo qaarkood weli uu tababarku u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qeyb-galay Riyadh Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika iyo shirka wadajirka ahaa ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo diirada lagu saaray xasuuqa ka socda Gaza.

Related posts

Goobihii Maan-dooriyaha lagu iibin jiray ee Muqdisho oo inta badan xirmay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Siyaasiyiinta diidan Laftagareen iyo arrimaha uu kala hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaaray Jabuuti (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---