Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday Masuuliyiin iyo dad kale oo lagu helay in Al Shabaab la shaqeeyeen (Sawirro)

Maxkamadda deraada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday guddoomiye waaxdeeyo katirsanaa degmada Hodan iyo dad kale oo lagu helay in Al Shabaab la shaqeenayeen.

Dadkan oo kiiskooda muddooyinkan ka socday maxkamadda ciidamada ayaa maanta lagu xukumay xunno kala duwan oo xabsi ah, halka qaar kamid ah eedeysanayaasha lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Halkan ka akhriso magacyada dadkan xukunka lagu riday iyo dambiyada lagu helay

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa gudbinta macluumaadka iyo xogaha xubnaha ka shaqeeya degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag.

Ninkan  ayaa 14-kii bishii Juun ee sannadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha. Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Al Shabaab macluumaadka iyo xogaha xubnaha dowladda ee ka shaqeeya degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 8  sanno oo xabsi ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Al Shabaab u qaabilsanaa qeybta faafinta fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisho, waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 8 sanno oo xabsi ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa AL Shabaab qeybta soo gudbinta macluumaadka deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray xogta qaraxyada ka dhaca goobahaas. Waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 5 sanno oo xabsi ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta degmada Hodon iyo xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Al Shabaab baraha bulshada, gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo sheegtay iney Gaza ka heshay doumentiyo Sir ah oo ay leedahay Xamaas

Caydiid Ali

Rag sheegtay iney ka tirsan yihiin Daacish oo lagu qabtay Muqdisho & Masuul ka hadlay

Caydiid Ali

Booliiska Britain oo 70-sanno kadib raaligelin ka bixiyay Daldalaadii Maxamuud Mataan

Cabdi Cade