Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo bandhigtay Sargaalkii Al Shabaab ee laga soo qabtay Ceeldheer (Sawirro)

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka ayaa shalay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo qabtay sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacaga Al Shabaab dadka ka qaadaan iyo sidoo kale urururinta xoolaha ay Al Shabaab ku sheegeen Sakawaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaana maanta warbaahinta usoo bandhigtay sargaalkan ciidamada soo qabteen oo lagu magacaabo  Cabaas Caraaye (Garoobshe), waxaana sargaalkan oo lagu wareejiyay laamaha ammaanka ku socda baaritaanno .

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa odayaasha deegaanka ee loo xil saaray la shaqeynta Al Shabaab, waxa uu sheegay sargaalkan in uu hadda nabbad qabo wax dhibaato ahna aysan gaarsiin ciidanka gacanta ku haya.

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud waxaa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab , kaddib markii ay horey uga baxeen ciidanka dowladda, waxaana shalay ciidanka howlgal qarsoodi ah ay ka fuliyeen degmadaasi kusoo qabteen sargaalkan halka mid kalana dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Eritrea oo weerar culus ku qaaday Tigrey iyo Jabhada TPLF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Dhuusomareeb iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---