Allbanaadir.com
NEWS

Xiddig caan ka ah Afrika oo ku dhintay garoonka dhaxdiisa xilli uu kubad ciyaarayay

Mid kamid ah ciyaartoyda caanka ka ah Qaranka Ghana, Raphael Dwamena ayaa ku dhintay garoon uu ku ciyaarayay, kaddib markii uu xanuun kusoo booday uuna ku dhax dhacay garoon kuyaalla dalka Albania.

Xiddigan geeriyooday ayaa katirsanaa kooxda kubadda cagta ee Egnatia ee ka ciyaarta horyaalka dalka Albania, waxa uuna ciyaaryahanka oo ka ciyaarayay dhinaca weerarka dhintay shalay oo Sabti aheyd xilli uu garoonka ku jiray isaga oo matalayay kooxdiisa.

War kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee dalka Albania ayaa lagu sheegay in dhaqaatiirta ku guuldareesteen badbaadinta ciyaaryahanka, waxa ayna xiriirka tacsi u direen kooxdii uu katirsanaa iyo qoyska ciyaaryahan Raphael Dwamena .

Ciyaaryahankan geeriyoday ayaa ahaa gool-dhaliyaha ugu sareeyay horyaalka dalka Albania, waxa uuna kooxdiisa xilli ciyaareedkan u dhaliyay sagaal gool, halka qarankiisa uu u saftay sagaal kulan uu u dhaliyay labo gool.

Raphael Dwamena ayaa sannadkii 2021-kii ayuu ku dhacay garoonka ciyaar ka dhacday Austria oo dhexmartay kooxdiisa Blau-Weiss Linz iyo Hartberg, laakiin wuu soo kabsaday, oo wuxuu sii watay xirfaddiisa ciyaareed.

Ciyaaryahakan geeriyooday ayaa usoo ciyaaray kooxo katirsan horyaalka dalka Spian, waxa uuna mar ku sigtay in uu ku biiro kooxda ka dhisan horyaalka Ingiriiska Brighton, hasa ahaatee ciyaaryahanka ayaa ku dhacay tijaabada caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay Anfac Xuseen Muxumed

Cabdi Cade

Dil nooc cusub ah oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Yaa ka faa’iidaysanaya Wabarashada lacag la’aanta ah ee  Dawladdu bixinayso?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---