Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Muqdisho ku dishay Labo haween ah oo guri la degnaa iyo Sababta keentay

Waxaa xalay xaafada Buur Bishaaro  ee deegaanka Gubadley ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii haweeney toorey ku hubeysneed ay dishay labo haween ah oo guri la degnaa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in muran ka dhashay carruur yar yar oo is dagaallay uu sababay dilkan , waxaana falkan aad uga naxay dadka deegaanka iyo sidoo kale dadkii kale ee maqlay dhacdadan.

Haweeneyda tooreyda ku hubeysneed oo magaceeda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali ayaa dishay Nimco Saalax iyo dumaashideed Iqro Daahir Mahadi , waxa ayna labada gabarba ku dishay tooreyda ay kaga dhufatay meelo halis ah.

Dilka kaddib ayaa la sheegay in ay baxsatay haweeneydii dilka fulisay, hasa ahaatee ciidamada ammaanka deegaanka Gubadley oo sameeyay howlgalo baaritaano ah ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan haweeneydii dilka geesatay.

Ehelada haweenka la dilay ayaa ka codsaday hay’adaha dowladda in caddaaladda la marsiiyo haweeneyda dilka geesatay oo hadda ku xiran xarunta dambi baarista CID-da , halkaas oo booliiska wadaan baaritaanno ku aadan dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Biden oo amar ku bixiyey in la baaro dhibaato ku soo korortay Maraykanka

Caydiid Ali

Shacab careysan oo galay Safaradaha reer Galbeedka ee Kinshasa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---