Allbanaadir.com
NEWS

WHO oo lumisay xiriirkii ay la lahayd isbitaalka Shifa ee Gaza iyo Walaac soo baxay

Xiriirkii dhinaca intetnetka iyo telfoonka isbitaalka Shifa ee kuyaalla magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa go’ay, kaddib markii uu isbitaalka ka dhammaaday shidaalkii ay ku shaqeenayeen.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shaacisay in gabi ahaan lumay uuna meesha ka baxay xiriirkii ay la laheyd isbitaalka Shifa, waxa ayna hay’addu sheegtay in isbitaalka ka go’ay shidaakii ay isticmaalayeen.

War kasoo baxay WHO ayey ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay badqabka dhammaan dadka ku go’doonsan halkaas dagaallada ka socda awgeed, waxayna ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah laga sameeyo magaalada Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in uu istaagay howlihii shaqo ee isbitaalka ugu weyn magaalaa Gaza ee Shifa, waxa ayna wasaaradda xustay in shidaalkii keydka u ahaa isbitaalka uu dhammaaday sidaasna shaqada u istaagtay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in ay “walaac weyn ka qabaan badbaadada shaqaalaha caafimaadka iyo boqollaal qof oo xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah, oo ay ku jiraan carruur, iyo dadka barakacay ee ku haray is

Ciidamada Isreal ayaa go’doomiyay magaalada Gaza ee dhulka Falstiin halkaas ay ka wadaan duqeymo cir iyo dhul ah, waxaana kasii dareysa xaalada dadka ku dhaawacmaya duqeymaha iyo dagaalka socda ,maadaama isbitaalada inta badan xirmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ka hor yimid talaabada ciidanka Israa’iil ku galeen Isbitaalka Al-Shifa

Caydiid Ali

Madaxweyne Museveni oo arrin khalad ah ku tilmaamay gooni isu taaga Somaliland

Caydiid Ali

Liiska Xildhibaanada K/Galbeed oo lagu dhawaaqay (Akhriso Magacyada & Qabiilada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---