Allbanaadir.com
NEWS

MSF oo sheegtay inuu go’ay xiriirkii ay laheyd Isbitaalka Shifa ee Gaza oo la duqeeyey

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ay lumisay xiriirkii ay la lahayd shaqaalaheeda gudaha xarunta caafimaadka ee ugu weyn Gaza, Al-Shifa Hospital, iyadoo ay jiraan warar sheegaya “duqeymo culus” oo ka dhacay agagaarka dhismaha.

Saacadaha la soo dhaafay, weerarrada ka dhanka ah Isbitaalka Al-Shifa ayaa si aad ah u sii xoogeystay. Shaqaalaha Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee isbitaalka ayaa soo sheegay xaalad masiibo ah.

Kooxda ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin badqabka shaqaalaha iyo bukaanada ku jira isbitaalka Al-Shifa oo qaarkood ay xaaladoodu aad u liidato aysan awoodin inay guuraan ama ay ka baxaan duqeymaha socda awgood.

“Waxaa jira bukaan u baahan qaliin, waxaa jira bukaan horay u seexday qaybtayada, ma iska bixi karno oo dadkan gudaha ku jira. Dhaqtar ahaan, waxaan ku dhaaranayaa inaan caawiyo dadka u baahan gargaarka,” ayuu yiri Dr. Mohammed Obeid, oo ah dhaqtarka qalliinka ee isbitaalka.

Isgaarsiinta gudaha Gaza ayaa xilliyada qaar go’eysa tan iyo markii uu billowday ololaha millatari ee Israa’iil bishii hore – inta badanna waxaa sabab u ah koronto yaraan iyo  shabakada internetka oo daciif ah

Waxaa jiray warbixino ku saabsan weerarro Israa’iil ah oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Al-Shifa, iyadoo shaqaalaha isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ay baahiyeen muuqaallo muujinaya duqeyn culus oo ka dhacday agagaarka dhismaha.

Afhayeen u hadlay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Jimcihii sheegay in al-Shifa ay ku socoto duqeyn, isagoo intaas ku daray in 20 isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza ay howlgab noqdeen.

Isbitaalka Al Shifa, oo Jimcihii gantaallo lagu garaacay, ayaa ah kan ugu weyn marinka Qaza

Milateriga Israa’iil ayaa  ku andacoodey  in madfac khaldan oo ay rideen isbitaalka kooxa Xamaas si ay uga dhigaan iney israaiil duqeysay.

Warkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Israa’iil ay bartimaameed ka dhigatay agagaarka isbitaalka, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 15 qof, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Toddobaadyadii la soo dhaafay Israa’iil waxay sheegtay in dagaalyahannada Xamaas ay Isbitaalka hoostiisa ku leeyihiin xarumo qarsoon oo ay hubka ku keydsadaan hase ahaatee Xamaas, Maamulka caafimaadka Gaza iyo agaasimayaasha Shifa ayaa beeniyay arrintaas waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan kormeer caalami ah.

Ciidamada Israel oo taangiyo wata ayaa isku dayaya iney gaaraan xarunta isbitaalka, inkastoo iska caabin adag ay kala kulmayaan dagaalyahanada Xamaas.

Related posts

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Sawirro) Bashar Al-asad oo 12 sano ka dib booqasho taariikhi ah ku tagay Sacuudiga

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka oo saakay fashiliyay Weerar Al Shabaab soo qaadeen

Cabdi Cade