Allbanaadir.com
NEWS

Bayaan kulul oo ka soo baxay Shir-Madaxeedka dalalka Islaamka ee Riyadh (Sawirro)

Qaraarka kama dambaysta ah ee ay soo saareen shir-madaxeedka Carabta iyo Islaamka ee ka dhacay Riyadh ayaa dalbanaya in la soo afjaro gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza.

Waxay ku eedeeyeen Israel iney gashay dambiyo dagaal, xasuuq bahalnimo, naxariis darro iyo wax bini’aadantinimada ka baxsan

“Waxaan cambaareyneynaa gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza, dambiyada dagaal iyo xasuuqa bahalnimada ah, waxashnimada iyo bini’aadantinimada ka baxsan ee ay xukuumadda gumaysigu ku hayso shacabka Falastiin, oo ay ku jiraan Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus. Waxaan dalbanaynaa in si degdeg ah loo joojiyo,” ayaa lagu yiri qaraarka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirku uu diiday isir sifaynta lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta  wuxuuna dalbanayaa in la soo afjaro go’doominta Gaza iyo sidoo kale in l;a fasaxo gelitaanka kolonyada gargaarka bini’aadanimo, oo ay ku jiraan cunto, daawo, iyo shidaal isla markiiba .

Waxay sidoo kale ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaato “go’aan adag oo adag oo arrintan xal looga gaarayo.

“Waxaan dalbaneynaa in Golaha Ammaanka uu qaato go’aan degdeg ah oo lagu cambaareynayo burburinta waxashnimada ah ee Israa’iil ee isbitaallada Marinka Gaza iyo ka hortagga gelitaanka dawooyinka, cuntada iyo shidaalka,” ayay raacisay.

Qaraarkan ayaa sidoo kale ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka inay baaritaan ku sameyso dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhan ah bani’aadantinimada oo ay Israa’iil ka geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool dhammaan dhulalka ay haysato.

Waxa loogu baaqay dhammaan waddamada sida Mareykanka iyo reer galbeedka inay joojiyaan hubka iyo rasaasta ay u dhoofiyaan Israa’iil oo ay adeegsadaan ciidankeeda.

Shir madaxeedka ayaa sheegay in nabad cadaalad ah, waarta oo dhamaystiran” ay tahay sida kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo amniga iyo xasiloonida dadka gobolka.

“Joojinta rabshadaha iyo dagaallada lama gaari doono iyadoo aan la soo afjarin qabsashada Israa’iil. awoodda ay ku qabsatay dhulka Falastiin ayaa mas’uul ka ah sii socoshada iyo sii xumeynta colaadda taasoo ka dhalatay gardarrada ay ku hayso xuquuqda aadanaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Related posts

Aragtida Siyaasadeed ee Musharaxa Madaxweynaha Somalia Dr. Saciid Ciise 2021

Caydiid Ali

Xaaf ma dhismaha Galmudug ayuu ka shaqeynayaa mise dan gaar ah (Warbixin)

Caydiid Ali

Milateriga Sudan oo xirxiray xubno ka tirsan Qoyska Cumar Xasan Al-Bashiir

Caydiid Ali