Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dibed-baxii ugu weynaa ee ka dhan ah Israel oo ka dhacay London

Kumamaan qof oo diidan xasuuqa Israiil ka wado Gaza ayaa si nabad ah ku dhexmaray bartamaha London sabtidii, xitaa iyadoo mudaaharaadayaasha garabka midig ay isku dhaceen booliiska, ka dib toddobaad laga doodayey in la fasaxo mudaaharaadka iyo in kale.

Dibed baxan ayaa ku soo beegmay xili ay xiisad kicisay Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK Suella Braverman oo horaantii todobaadkan ku tilmaantay mudaaharaadyada taageeraya Falastiiniyiinta inay yihiin “nacayb” xambaarsan waxayna ku baaqday in la joojiyo.

Socodkan ayaa sida muuqata ahaa kii ugu balaarnaa ee London ka dhaca tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada Gaza, iyadoo boqolaal kun oo qof ay ku daateen magaalada Hyde Park ilaa safaaradda Mareykanka oo qiyaastii 3 mayl u jirta.

Booliiska London ayaa xiray 82 qof oo rabshado lagu eedeeyey. Ciidamada ayaa sheegay inay qeyb ka ahaayeen koox dibadbaxayaal ah oo isku dayayay in ay gaaraan safaarada Mareykanka.

In ka badan 2,000 oo boolis ayaa joogi doona waddooyinka caasimadda illaa dhammaadka usbuucan si ay u hubiyaan in dibed baxayaashu u hoggaansamaan sharciga iyo si looga hortago iska-hor-imaadyada suurtagalka ah.

Booliisku waxa ay sidoo kale qaadayaan tillaabooyin lagu qancinayo bulshada Yuhuuda, kuwaasoo lala beegsanayo dhacdooyinka nacaybka nacaybka ah tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay weerareen Israa’iil 7-dii Octobar, ciidamada Israa’iilna ay kaga jawaabeen weerarro lagu xasuuqay kumanaan qof iyo inay ciidan u diraan marinka Gaza

“Waan ognahay saameynta isbiirsaday ee sii socoshada mudaaharaadyada, xiisadaha sii kordhaya, iyo kor u kaca dambiyada naceybka ay ku hayaan London oo dhan iyo cabsida iyo welwelka ay gaar ahaan bulshooyinkayada Yahuudda dareemayaan,” booliska ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxay xaq u leeyihiin inay ammaan ku dareemaan magaaladooda, iyagoo og inay London oo dhan u safri karaan iyagoon ka baqin cabsigelin ama handadaad.”

Hawlgalka fulinta sharciga ayaa yimid ka dib markii Taliyaha Booliska Mark Rowley uu iska diiday cadaadis uga yimid hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo mamnuucay socodka.

Ben Jamal, oo ah agaasimaha Ololaha Isbaheysiga Falastiin, ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay ku baaqayaan in la joojiyo duqeynta Gaza, wuxuuna ku dhaleeceeyay Braverman inuu mudaaharaadayaasha ku tilmaamay kuwo xagjir ah.

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo looga sheekeeyey Qiso oday 60 jir ah ku qabsatay gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Qoys iska diiday inay iibiyaan gurigooda ku yaalla bartamaha fagaaraha magaalada …

Cabdi Cade

Axmed Karaash oo War Xasaasi ah kasoo saaray Bayaankii ay soo saareen Isimada Puntland

Cabdi Cade