Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoonka Labada aqal ee Baarlamanka BFS oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada labada guddoomiye, ayaa maanta yeeshay kulan xasasai ah.

Waxay kaga arrinsadeen qabanqaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS ayay guddoonku iskula meel dhigeen in fadhiga ugu soo horreeya ee guddiyada joogtada ee Baarlamaanka lagu go’aamiyo furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo qabanqaabadiisa.

Labada aqal ayaa waxaa u dhamaaday fasax labo bilood ah, waxaana la filayaa in dhowaan dib loo furo kalfadhiga 4aad si loo guda galo waajibaadka qaranka ee ay u xilsaaran yihiin

Ciidamada Xoogga deegaanka ayaa howgal guulaystay ka fuliyey degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Related posts

Lafta Gareen iyo qaar kamid ah Musharaxiinta oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xamse oo abaal-mariyey dhalinyaro Geesinimo muujiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Halkee ku dambeyn doonaan mustaqbalka Bashaar Al Assad iyo qoyskiisa ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---