Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa baafineysa maamulihii xafiiska Canshuuraha Beriga, wasaaradda Maaliyadda ee degmada Warta Nabadda Eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo dacwad ay ka taalo Maxkamadda .
Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in masuulkan oo maqan ku eedeysan yahay musuq maasuq, ku takrifal awoodeed iyo sidoo kale sameynta warqafo been abuur ah.